Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Agosto 24 (mareeg)— Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe la wareegay deegaanada Mareerey iyo Sabiib oo ku dhow degmada Afgooye, kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal kooban oo ka dhacay deegaanka Mareerey ay Al-Shabaab la wareegtay, kadib markii isaga baxeen ciidankii dowladda, sidoo kale Al-Shabaab ayaa si nabdoon ula wareegay deegaanka Sabiib.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka iyo kuwa Nabadsugida ay dib u caabiyeen Al-Shabaab, isla markaana la wareegeen.

Mr Siidii ayaa sheegay in Taliyaha Hay’adda Nabadsugida uu ciidamo gurmad ah u soo diray, isla markaana ay dib u riixeen Shabaabkii soo weeraray deegaanada Mareerey iyo Sabiib.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howl galo ay ka socdaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Hooe, isagoo xusay in Ciidamada xooga dalka iyo kuwa Nabadsugida oo iskaashanaya ay dib u caabiyeen Al-Shabaab.

“Shalay Ciidamada NISA ee Hay’adda Nabad Sugidda waxa ay u gurmadeen Ciidanka xoogga dalka oo Shabaab kula Dagaallamayay deegaanka Mareeray ee Gobolkaas kuwaas oo ciidamadu ay Wiiqeen Awoodda yar ee Argagixisadaas”ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda Amniga.

Sidoo kale Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dagaalkaas ku dileen dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaana uu xusay in howl galka ay sii wadayaan.

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa tiro dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose oo ay horay isaga baxeen ciidamada AMISOM

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!