Ciidamada Dowlada oo degaano horleh shabaab kala wareegay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowlada oo degaano horleh shabaab kala wareegay

Mareeg.com-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobalka Shabelaha Dhexe ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadaan oo ka ambabaxay Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa waxa ay gaareen xuduuda ay wadaagaan Shabeelaha Dhexe iyo Gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Fiidoow.
Al-Shabaab ayaa isaga baxay Deegaanka Fiidoow iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobalkaasi Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan faah-faahin ka bixin la wareegitaanka deeganada ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe iyo gaaritaanka ciidanka ay tageen Xuduuda Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Waayahan dambe ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Al-Shabaab kala wareegaye deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!