Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo la wareegay Bacaadweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo la wareegay Bacaadweyne

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa Galmudug oo ay wehlinayaan dadka degaanka oo hubeysan ayaa dib ula wareegay degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada huwanta ah waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen duleedka degaannada Bacaadweyne iyo Wisil, hayeeshee Ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Bacaadweyne kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda qeybta 21aad ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen degaanka, isla markaana ay xaqiijiyeen guud ahaan amniga degaanka Bacaadweyne iyo degaannada hoostaga.

Wararka laga helayo degaanka Bacaadweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay howlgallo miino baaris ah ka wadaan degaanka Bacaadweyne iyo duleedkeeda ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo dhowr jeer ay qaraxyo miino ka dhaceen.

Degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana bilihii la soo dhaafay ay noqotay goob dagaal kadib markii ay dhowr jeer weerareen Al-Shabaab.

 

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.