Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Moqokori

Maxaas ( Sh.M.Network)-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa  Midowga Africa ee  AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

La wareegitaanka Ciidamada huwanta ee deegaankaas ayaa ka dambeysay ka gadaal markii shalay gelinkii dambe Al Shabaab ay faarujiyeen deegaankaasi.

Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa qiyaastii 45 Km u jira Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Si kastaba la wareegitaanka Moqokori ayaa qeyb ka ah Howl gallo Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ka billaabeen deegaanno kala duwan oo Gobollada dalka ah si Al Shabaab loogala wareego gacan ku heynta deegaanadaasi.