Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaano ku yaalla galbeedka Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay deegaano ku yaalla galbeedka Hiiraan

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaano dhaca Galbeedka Gobolka Hiiraan, kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab kaga sugnaayeen halkaas.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanada Ceel-dheer iyo Ceel Cali, waxaana la soo sheegayaa in khasaarooyin kala duwan uu ka dhashay.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan ee dhinaca Amniga iyo siyaasada Maxamed Ibraahim C/llaahi ayaa sheegay in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen deegaano Al-Shabaab ka talinayeen.

“Ciidamada waxay 24 saac ee la soo dhaafay la wareegeen deegaano ku yaal galbeedka Hiiraan, waxaana wali xaqiijineynaa ammaanka deegaanada”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan ee dhinaca amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galada ka socda Gobolka Hiiraan ay qeyb ka yihiin sidii deegaanada fara ku tiriska Al-Shabaab kaga sugan yihiin ay uga saari lahaayeen sida uu yiri.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada koofurta iyo bartamaha, iyagoo la wareegay degmooyin iyo deegaano muhiim ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!