Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay goobihii goobihii laga go'doomiyay Xudur * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay goobihii goobihii laga go’doomiyay Xudur

Mareeg.com-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaanka Abad-Beedey oo qiyaastii 20-KM dhinaca bari kaga beegan degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo ay ku sugnaayeen Xoogaga Al-Shabaab.

Deegaanka Abad-Beedey ayaa marin u ahaa sahayda gasha Xudur, gaar ahaan gaadiidka badeecadaha ganacsi sida, iyadoo saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen in deegaankan ay horay Al-Shabaab ka go’doomiyeen degmada Xudur, markii gaadiid fara badan oo badeecado ganacsi u sida ay ku qabteen deegaankaas.

Taliyaha Ciidamada Milateriga qeybta Gobolka Bakool Col. C/raxmaan Tima Cade ayaa sheegay in Al-Shabaab ay deegaankaas ku heysteen gaadiid ganacsi, isla markaana ay cunaqabateeyeen degmada Xudur.

Waxaa uu sheegay in qorshahooda yahay sidii ay u furi lahaayeen wadooyinka ay jidgooyooyinka dhigteen Al-Shabaab ee ay u diideen in gaadiidka shixnadaha ganacsi ay gaaraan deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howl galkan oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada Itoobiya ayaa ka dambeeyay markii in muddo ah degmada Xudur ay aheyd mid go’doonsan, isla markaana laga jaray wadooyinkii sahayda u soo marayay, taasoo keentay in sare u kac uu ku yimaado qiimaha raashinka qutul daruuriga degmada Xudur.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!