Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ka tirsan degmada Cadale.
Masaajid Cali Guduud waxaa deganaa Alshabaab, oo halkaas uu u yaallay kontorool ay gaadiidka uga qaadaan dhaqaale badan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaankaas oo Al-Shabaab saldhig u aheyd.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad labada dhinac ku dhex maray muddo kooban, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen inay kaga dileen Al-Shabaab saddex ruux, isla markaana kaga soo furteen hub fudud.
Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada halkaas galay ay dib ugu laabteen degmada Cadale, kadib markii ay halkaas ka qaateen lacago badan oo Alshabaab ka uruuriyeen gaadiid mara wadada.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.