Ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM Oo la wareegay Deegaanno ay ka mid yihiin ceelbaraf

Read Time:56 Second

Mahadaay ( Mareeg)-Guddoomiyaha Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Xuseen Afrax  ayaa ka warbixiyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM oo barqanimadii maanta la wareegay Tuulooyin hoostaga degmadaasi.

 

Meelaha ay Ciidamadu la wareegeen sida Guddoomiyaha uu xaqiijiyay waxaa ka mid ah Tuulooyin ay ka mid yihiin Ceelbaraf  iyo kuwa kale oo ku dhow dhow oo dhmmaan hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Guddoomiyaha Mahadaay ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay in Al Shabaab ay si iskoood ah u faarujiyeen tuulooyinkaasi iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin taas oo keentay in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ay la wareegaan.

 

Waxaa kale uu guddoomiyaha meesha ka saaray in ay jiran shacabka degan tuulooyinkaas in ay ka barakaceen halkaasi.

 

Ku dhawaad 7 Sano ayaa Al Shabaab waxa ay maamulayeen Tuulooyinka maanta lagala wareegay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  waxaana durba gaaray qaar ka mid ah goobahaasi lala wareegay Sarakiil uu ka mid yahay Abuunduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Ma jiro wax war ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen ka bixitaankooda Tuulooyinkaas la soo sheegayo ee dhaca Shabeelaha Dhexe.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.