Categories
Af Soomaali

Ciidamada dowladda & Amisom oo la wareegay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Mareeg.com: Milateriga Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta xilligii duhurka la wareegay deegaanka dhowr ruulo oo uu ka mid yahay deegaanka Raagee Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo ka tirsan degmada Cadale, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ururka labaad ee Guutada Afaraad G/lle C/qaadir Nuur Xasan (Qoondhe).

Wararka ayaa sheegaya inaan wax dagaal ah ka dhicin deegaanka Raagge Ceelle, kaasoo ilaa 100 KM dhanka woqooyi kaga began Muqdisho, ilaa 65 KM u jira magaalada Jowhar.

“Si nabad ah ayaan Raage Ceelle kula wareegnay, ciidamada waxay hada xaqiijinayaan ammanka, qolyihii kale ee nabad diidka ahaa waa ka carareen deegaanka”ayuu yiri G/lle Qoondhe.

Wararka kale ee ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Cadale, iyadoo ciidamada huwanta ay kaabiga u saaran yihiin.

Ma jiro war kazoo baxay Alshabaab oo ku saabsan la wareegitaanka ciidamada dowladda Soomaaliya iney la wareegeen deegaanka Raage Ceelle.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab ayaa saaka xilli hore gaaraay deeganka Qorilow oo horay aheyd xero ciidan oo ay lahaayeen milaterigii hore ee Soomaaliya, waxaana saraakiisha wata sheegeen iney ku socdaan Cadale.

Mareeg Media

By A warsame

Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com
or Mobile :+447737886245