Ciidamada dowlada Soomaaliya oo Ahlsuna ka qabsaday xerada 21-aad ee Dhuusamareeb * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo Ahlsuna ka qabsaday xerada 21-aad ee Dhuusamareeb

Mareeg.com: Taliska ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa shaaca ka qaadday maanta in ay gacantooda soo gashay xerada ciidanka qeybta 21 aad ee degamada Dhuusamarreeb ee gobolkaas.

Taliyaha ciidanka ee gobolka G/sare, Sulub Axmed Diiriye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamarreeb ayaa sheegay in  ciidankooda ay si buuxda gacan ku heynta xerada ugala wareegeen dagaalyahannada ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca oo ay shalay is-fara saareen.

Wuxuu sheegay in howlgalka ay ku qabsadeen xeradaas uu hal askari kaga dhintay, mid kalana uu kaga dhaawacmay.

Taliyaha ayaa ka codsaday dadka magaalada degan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaan weli wax xal ah ka gaarin dagaalka ku dhexmaray Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana qaar ka mid ah saraakiisha Ahlusuna ku hanjabeen iney ciidamada dowladda dib uga qabsan doonaan Dhuusamareeb.

Inka badan 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna ku dhexmaray Dhuusamarreeb, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo lagu codsanayo in la qaboojiyo xiisadda.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!