Ciidamada dowlada oo saakay howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose
Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in saakay ciidmada Booliiska Soomaaliya ay ka wadaan howlgal.
Howlgalkaan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii shalay qarax miino duleedka degmada Afgooye lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga oo la socday gaari nooca Soomaalidu ay u taqaan Cabdi Bilaha.
Howlgalkaan aya lagu soo qabtay dad dhalinyara ah iyada oo saraakiishu ay sheegeen in aad loo baadi goobayo dad lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab oo mararka qaar si dhuumalaysi ah ku soogala degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose.
Comments are closed.