Ciidamada Dowlada Oo Saakay Fashiliyay Qarax Miino Ah Oo Lagu Aasay Duleedka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Dowlada Oo Saakay Fashiliyay Qarax Miino Ah Oo Lagu Aasay Duleedka Muqdisho

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan Qarax miino ah oo lagu aasay mid kamid ah Wadooyinka Deegaanka KM-13 ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka Deegaanka ayaa Laamaha amniga dowlada ku soo wargeliyay in Qarax miino ah Saakay lagu arkay mid kamid ah Wadooyinka Deegaanka KM-13 ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxaana durbadiiba gaaray halkaasi Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa miino baarista.

Ciidamada dowlada ayaa ku guuleystay in ay ka saaran miinadii saakay lagu arkay mid kamid ah Wadooyinka Deegaanka KM-13 ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobta miinada lagu aasay ayaa marin u aheyd Ciidamada dowlad Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay Qaraxyo lala beegsaday Ciidamadaas ay fuliyeen Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!