Ciidamada dowlada oo al-Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah.

Read Time:53 Second

Shabeellada Hoose (mareeg news) Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ay awood Militeri maleeshiyaadka al-Shabaab kala wareegen deegaano dhowr ah.

Ciidamada ayaa maleeshiyada al-Shabaab kala wareegay deegaano hoostaga Goofgaduud-Buurey ee Gobolka Baay, waxa ayna halkaa ka saareen maleeshiyaad loo diyaarinaayay dagaal.

Ciidamada iyo maleeshiyada ayaa waxaa halkaa ku dhexmaray dagaal xoogan oo uu dhiig ku daatay waxaana xigay in maleeshiyaadka ay isaga baxaan deegaanada.

Xasan Wardheere Xuseen oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Goof-gaduud, ayaa sheegay in mudada uu socday dagaalka ay dileen dhagar qabayaal ka tirsan al-Shabaab, sidoo kalane nolosha ku qabteen kuwo kale.

Waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen dagaalamayaashii al-Shabaab ee deegaanadaasi ay ka saareen.

Waxa uu tilmaamay inay xaqiijin doonaan amaanka deegaanada ay kala wareegen al-Shabaab, isla markaana ay iminkaba geeyen ciidamo farabadan oo sii degnaan doona deegaanadas.

Geesta kale, Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in maanta ciidamada Xooga ay deegaanadaasi ay kawadaan howgalo xoogan oo lagu baarayo deegaanadaasi oo haray ay ugu sugnaayeen al-Shabaab

 

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %