Ciidamada dowlada iyo Ciidamo Mareykan ah oo la wareegay Bariire * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowlada iyo Ciidamo Mareykan ah oo la wareegay Bariire

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in deegaankaasi si buuxda ula wareegeen Ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo ciidamo Mareykan ah.

Ciidamada huwanta ah ayaa saakay dhoor jiho ka weeraray deegaanka Bariire ay gacanta ku hayeen Al Shabaab, waxaana deegaankaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro soo gaaray labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka hada uu istaagay ayna deegaankaasi joogaan Ciidamada dowlada iyo ciidamada kale ee wehliya, waxaana deegaanka laga saaray dagaalyahanadii Al Shabaab ee horey ugu sugnaa.

Wali lama oga ciidamada la wareegay Deegaanka Bariire in ay halkaasi sii joogi doonaan iyo in kale, waxaana marar badan ciidamada huwanta ah ay deegaano ay kala wareegeen Al Shabaab isaga soo baxeen saacado kadib markii ay qabasdeen.

Ciidamada dowlada ayaa taageero ka hela Ciidamo Mareykan ah oo saldhig ku leh garoonka Bali Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose marka ay howlgalo gaar ah ka fulinayaan deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!