Ciidamada dowlada iyo AMISOM oo la wareegay degmada Jalalaqsi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dowlada iyo AMISOM oo la wareegay degmada Jalalaqsi

Mareeg.com: Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow la wareegay gacan ku haynta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyadoo arrintaasi qeyb ka tahay howlgalka Badweynta Hindiya ee Alshabaab looga saarayo degmooyinka ay maamulaan.

Ciidamada oo ka baxay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa gaaray Jalalaqsi iyagoo aan la kulim dagaal weyn.

Degmadan ayaa waxay ahayd degmadii saddexaad ee gobolka Hiiraan oo ay awoodda ku lahayd Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM ay galeen iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah.

“Ma jirto wax iska caabin ah oo aan la kulannay, xoogaggii Al-shabaab way ka baxeen magaalada markii ay ogaadeen inaan kusoo wajahannahay,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada gudaha u galay magaalada Jala-laqsi ayaa la sheegay in ay halkaasi ka bilaaben howlgallo amni xaqiijin ah, iyagoo baraya guryaha.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!