Ciidamada DFS oo howlgallo lagu baacsanayo Al Shabaab ka wada Gobolka Galgaduud

Ceelbuur (Mareeg.com)—Wararka laga helayo Deegaano hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saacadihii ugu dambeeyey Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay Howgallo Xoogan ka sameeyeen Deegaano iyo Tuullooyin hoostaga Degmadaasi Ceelbuur ee Gobolka Galagaduud

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Deegaano horleh oo ku Yaalla Gobolka Galagduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Xildhibaan Mahad Sheekh Cali Cibaar oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka  Maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada DFS ay guulo la taaban karo ka gaareen howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud.

 

Sikastaba, Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa ka socda howlgallo kala duwan oo lagu doonayo in halkaasi looga saaro Ururka Al Shabaab.