Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degaan ku yaala Gobolka Galgaduud

(Mareeg)—Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen gacan ku heynta Degaanka Wabxa ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Ciidamada Huwanta ayaa si nabad leh gacanta ugu dhigay Degaanka Waba kadib markii Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ee ku sugnaa halkaasi ay isaga baxeen, sida ay sheegayaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

 

Sikastaba, Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan howlgallo looga goolleeyahay sidii Al Shabab looga saari la haa Degaano kale oo ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud ee bartamah Soomaaliya.