Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada Magaalada Ceelbuur * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada Magaalada Ceelbuur

Ceelbuur (Mareeg.com)—Isagoo wareysi gaar ah siinayay radio  Muqdisho, Nuur Xasan Guutaale, Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxuu faah faahin ka bixiyay dhaq dhaqaaqyo milatari oo si wada jir ah  uga wadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM Nawaaxiga Degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa carabka ku adkeeyay in dhaq dhaqaaqyadaasi ay uga goolleeyihiin sidii Al Shabaab looga saari la haa Deegaanadad ay kaga sugan yihiin Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Mr. Nuur Xasan Guutaale ayaa xusay in sidoo kale Al Shabaab jareen qaar ka mid ah Wadooyinka soo gala Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Sikastaba, Ciidamada Dowladda Soomaaliya, oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo lagu baacsanayo Al Shabaab ka wadeen qeybo ka mid ah Deegaano hoostaga Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgadauud.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!