Ciidamada DFS iyo Al Shabaab oo ku Dagaalamay Hiiraan
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay Dagaal culus oo saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay Gobolka Hiiraan ee bartmaha Dalka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Hiiraan Cusmaan Muumin Garbo ayaa sheegay in Xubno ka mid ahaa Al Shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.
Waxaa Guddoomiye Cusmaan ayaa xusay in khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay Al Shabaab Dagaalkaasi, balse, waxuu ka gaabsaday uu ka hadlo tirada dhabta ah ee halkaasi ay ku dileen.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiyaha waxuu shaaciyay in Gobolka Hiiraan uu ka bilowday howlgalkii ugu weynaa, si looga guuleysto Al Shabaab.
Muddooyinkii ayaa waxaa degaano ka tirsan gobolka Hiiraan ka dhacaayay dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogaga ururka Al-Shabaab.
Comments are closed.