Ciidamada DFS, AMISOM iyo Al Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Sh.Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada DFS, AMISOM iyo Al Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Sh.Hoose

Shalanbood (Mareeg.com)—Dagaal Culus ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab waxuu maanta ku dhexmaray Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa qarxay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay Weerar culus ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Shalaanbood.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Weerarka Al Shabaab uu ka dhashay iska Dagaaal saacado qaatay oo halkaasi ku dhexmaray labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan weli si rasmi ah loo cayimin.

Ugu dambeyn, Xaalada Degaanka Shalaanbood oo qiyaas ahaan 10Km u jirta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa kacsan maadaama Degaanka laga soo sheegayo in Xiisada Dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Huwanta iyo Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.