Ciidamada DF iyo AMISOM oo la wareegay Janaale

Janaale ( Mareeg)-Isagoo u warramayay Idaacadda maxali ah   oo ku taala  Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur guddoomiyaha deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu ka warbixiyay la wareegista Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee deegaankaasi.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Magaaalda Janaale ayaa maanta si buuxda ula wareegeen ayna ku yeesheen kulan ballaaran oo ay uga hadleen ammaanka deegaankaasi.

Sidoo kale guddoomiyah ayaa xaqiijiyay in inta Ciidamada huwanta ah aysan soo gaarin deegaanka Janaale ay Al Shabaab kula galeen Tuulada lagu Magacaabo Doodishe oo u dhow deegaankaasi.

Deegaanka Janaale oo ah deegaan istiraatiiji ayaa muddooyinkii dambe waxaa maamulyay gacan ku heyntiisa Ururka Al Shabaab.