Ciidamada DF iyo AMISOM oo la wareegay deegaanno ka tirsan Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada DF iyo AMISOM oo la wareegay deegaanno ka tirsan Galgaduud

Ceelgaras (Mareeg)-Afhayeenka  Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud Cabdinuur Max’ed Xuseen oo u warramayay Idaacadd maxalu ah ee Magaalada Muqdisho ayaa xusay in Ciidamada Huwanta ee dowladda iyo AMISOM ay Al Shabaab kala wareegeen meelo dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud.

Meelaha ay Ciidamadu la wareegeen ayuu Afhayeenku carab dhaway in ay ka mid yihiin Deegaanada Ceel la helay  iyo Ceelgaras kuwaas oo ay horay u maamuli jireen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Maalin ka hor ayaa Ciidamada AMISOM diyaarado dagaal ay leeyihiin waxa ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaanno u dhexeeya degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud kuwaas oo ay ku sugnaayeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa wada howl gallo culus oo u jeedkoodu yahay in deegaanada Al Shabaab-ku maamulaan laga fara maroojiyo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!