Ciidamada Darawiishta Puntland Iyo Alshabaab Oo Ku Dagaalamay Galgala * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Darawiishta Puntland Iyo Alshabaab Oo Ku Dagaalamay Galgala

Boosaaso – Mareeg.com: Wararka ka imaanya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dagaal dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Alshabaab, qeybtooda ku sugan buuralleyda Galgala.

Dagaalka ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay meel qiyaastii 30-km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dagaalku ayaa wuxuu ka dambeeyay, markii ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ciidanka Shabaab ay ku leeyihiin Buuraha Gal-gala ee Gobalka Bari.

Saraakiil ka tirsan saraakiisha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in saaka ay qaadeen weerar qorsheysan oo ujeedkiisa uu yahay sidii guud ahaan Shabaab looga saari lahaa deeganada Buuraha Gal-gala.

Lama xaqiijin karo illaa iyo iminka khasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalkaasi inkastoo dad deegaanka ah ay soo warinayaan In ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso la gaarsiiyey dhaawaca afar askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland.

Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudanayaa sheegey in ciidamada Puntland ay ogaadeen is urursi ay samaynayaan Al-Shabaab, islamarkaana ciidamadu markii ay ogaadeen ayey weerar ku qaadeen, islamarkaana ay hadda ku jira sida uu yiri safeyn.

Wasiirka Amniga Co.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in goobtii dagaalku ka dhacay laga eryayey Al-Shabaabka, ayna ka carareen 3 medy ah, isagoo dhanka kale tilmaamay in dhanka ciidanka Puntland uu ka dhintey hal askeri oo keliya.

Sanadkii tegey ee 2013 waxaa isla deegaanka maanta lagu dagaallamay ka dhacay iska-hor-imaadyo tira badan oo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab, dagaalladaas oo inta la xaqiijiyey ku dhowaad 50 qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa ay ku geeriyoodeen.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!