Ciidamada Burundi oo bilaabay la wareegida amaanka gobolka Shabeellaha Dhaxe

Read Time:56 Second

Jowhar – Mareeg.com: Ciidamada Bururndi ee qeybta ka ah AMISOM ayaa bilaabay iney la wareegaan amaanka degmooyinka dowladda Soomaaliya ka maamusho gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo arintaasi qeyb ka tahay isbadel lagu sameynayo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Labo maalmood ka hor ciidamada AMISOM qeybtooda ka socota dalka Uganda ka baxeen degmada Mahadaay, waxaana dadka halkaas degan soo wajahay cabsi colaadeed, hase ahaatee waxaa shalay halkaas gaary ciidamo ka socda dalka Burundi oo qeyb ka ah AMISOM.

Saraakiil ka tirsan maamulka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamo ka socda Brundi lagu bedelay ciidamadii ka socday Uganda ee halkaas horay u joogay, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay is bedelo ballaaran oo lagu sameyayo ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolada dalka Soomaaliya.

Ciidamada Brundi ayaa lagu wareejiyay ammaanka magaalada Jowhar, Balcad iyo Mahadaay oo ay horay fariisimo ugu lahaayeen ciidamada Uganda.

Ciidamada ka socda dalka Burundi ayaa degay Warshadii rasaasta degmada Mahadaay, waxaana labadii maalmood ee ciidamada AMISOM ka maqnaayeen Mahadaay halkaas joogay askar ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Howlgalka ciidamada AMISOM ayaa loo qeybiyey 6 qeybood, waxaana gobolka Shabeellaha Dhexe ka mid yahay gobollada ay hogaanka AMSIOM heynayaan ciidamada Burundi.   

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.