Ciidamada Booliska & Asluubta Soomaaliya oo yeeshay labo taliye oo cusub

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta magacaabaya Taliyaasha booliska iyo Asluubta, kadib kulan ay ku yeesheen Muqdisho, oo uu shir-gudoominayey R/wasaarae Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa la horkeenay soo jeedin ah in Taliyaha booliska Soomaaliya loo magacaabo Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo horay usoo noqday wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Nabadsugidda.

Sidoo kale, waxaa Golaha la horkeenay soojeedin kale oo ah in Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay usoo noqday taliayaha Nabad Sugidda loo magacaabo inuu noqdo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Dood kadib Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud loo magacaabo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, Jen. Bashiir Goobe loo magacaabay Taliyaha ciidanka Asluubta.

Jen. Xaamud ayaa xilka kala wareegi doona taliyihii KMG-ka ahaa ee Booliiska Soomaaliya Jen. Cismaan Gas-Gas oo xilkaas loo dhiibay markii uu si lama filaan ah ugu Geeriyooday Muqdisho sanadkii hore ee 2014 taliyihii hore ee booliiska Somalia Jen. Maxamed Faarax Ismaaciil.

Jen. Bashiir Goobe ayaa isaguna badeli doona Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Xuseen Xasan Cismaan.

Mareeg Meida

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.