Ciidamada booliiska oo saakay Muqdisho ku dhaawacay kuna qabtay burcad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada booliiska oo saakay Muqdisho ku dhaawacay kuna qabtay burcad

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa saakay Suuqa Bakaaraha waxa ay ku qabteen burcad hubeesan oo dad shacab ah dhac u geesanayay, waxaana talaabadan si weyn usoo dhaweeyay ganacsatada Suuqa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamada la kulmeen burcad Mooto bajaaj wadatay oo dhac ka geesaneysay qeybo kamid ah Suuqa, waxa ayna ciidamada burcadaasi ku fureen rasaas sababtay in mid kamid ah burcada la dhaawaco.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada booliiska qabteen labo nin oo kamid ahaa burcada dhaca geesaneysay iyo mooto bajaaj ay wateen , ninka dhaawaca ah ayaa daqiiqado yaalay halka lagu dhaawacay iyadoona ay dad badan usoo daawasho tageen.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo dadka u dukaameesi taga Suuqaasi ayaa qaati ka taagnaa mudooyinkan dambe burcad hubeesan oo dadka ka dhacaya moobeelada, waxaana burcadan ay ku qaraabtaan mooto bajaaj.

Ciidamada booliiska Soomaaliya oo la dhigay xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa xooga saaray sidii gacanta loogu dhigi lahaa burcada hubeesan ee dhaca joogtada ah dadka shacabka ah ugu geesta xaafadaha Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!