Ciidamada Booliiska oo qarxiyay miino lagu aasay dhinaca waddada warshadaha “Sawirro” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Booliiska oo qarxiyay miino lagu aasay dhinaca waddada warshadaha “Sawirro”

Ciidamada miino baarista ee booliiska Soomaaliyeed ayaa ku guuleestay in ay qarxiyaan miino lagu aasay dhinaca Laamiga Warshadaha gaar ahaan agagaarka Warshaddi Birta.

Dadka deegaanka oo ka war helay miinada lagu aasay laamiga ayaa ku war galiyay Maamulka degmada Dayniile, kaddibna waxaa halkaasi gaaray ciidamada Miino baarista ee booliiska Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad ,ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ku guuleesteen fashilinta Miinada lagu aasay laamiga dhinaciisa kadib markii shacabka deegaanka ay ku soo wargaliyeen miinada lagu aasay halkaasi.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in la doonayay in Miinadaasi lagu lagu dhibaateeyo, shacabka iyo ciidamada hasa ahaatee ay noqotay mid fashilantay, waxa uuna tilmaamay in ciidamada booliiska ay ku guuleeysteen in ay qarxiyaan Miinadaasi.

Maamulka Degmada Dayniile ayaa horey ugu guuleestay in ay soo saaraan qaarkoodna ay qarxiyaan miinooyin hareeraha wadooyin ku yaala degmadaasi lagu aasay, waxaana inta badan xogta miinooyinkaasi wadooyinka lagu aaso maamulka la wadaaga shacabka ku dhaqan degmadaasi.mina_5

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!