Ciidamada badda Taliyaaniga oo badbaadiyey boqolaal Muhaajiriin reer Afrika ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada badda Taliyaaniga oo badbaadiyey boqolaal Muhaajiriin reer Afrika ah

Sicily – Mareeg.com: Waxaa xeebaha Liibiya dib uga bilwoday qulqulka qaxootiga Afrikaanka ah ee ku socda qaaradda Yurub, waxaana ciidamada Badda Talyaanigu sheegeen in ay badbaadiyeen inka badan 2,000 muhaajirin Afrikaan ah oo si sharci darro ah kusoo safray dalkaas.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Badda Taliyaaniga ayaa sheegay in dadka laga soo badbaadiyey xeebaha Sicily xilli ay la socdeen ilaa 13 doomood oo ay aad iskusoo buuxiyeen.

Dadka lasoo badbaadiyey ayaa badankood kasoo jeeda Waqooyiga Afrika, waxaana ay isku jireen rag, dumar iyo caruur. Dadkaan ayaa kasoo ambabaxay xeebaha dalka Libya oo marin muhiim ah dadka u socda Yurub gaar ahaan Talyaaniga.

Dhanka kale, waxaa jira Soomaalii doon ka raacay dalka Liibiya oo qeylodhaan u dirsaday ciidamada ilaalada xeebaha Taliyaaniga, sida uu sheegay weriyaha BBC-da u fadhiya Taliyaaniga.

Arrintaan ayaa kusoo beegmatay saacado kadib markii dalka Spain ay si sharci darro ah oo xoog ahku galeen ilaa 500-muhaajirin afrikaan kale, kuwaasoo ka gudbay xadka dalka Maroocco la leeyahay Spain.

Xiiligaan oo baddu degantahay ayaa waxaa dalka Liibiya oo uusan ka jirin maamul xoog leh waxaa bilowday falalka tahriibka ah oo sanad kasta galaafta aman khatar geliya nolosha boqolaal Afrikaan ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!