Ciidamada Badda Soomaaliya Oo Turkiga Ka Helay Doonyo Dheereeye

Read Time:1 Minute, 42 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Ciidamada badda Soomaaliya ayaa doonyo dheereeye ka helay dalka Turkiga, iyadoo doonyahaas manta Muqdisho lagula wareejiyey wasaaraadda gaashaandhiga Soomaaliya.

Doohyaha Turkigu ugu deeqay ciidamada badda Soomaaliya ayaaa gaaraya ilaa 4 doonyood, ayaa munaasabad lagu qabtay dekadda Muqdisho lagu wareejiyey, iyadoo loogu talagalay in ay ku howlgalaan ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Munaasabadda wareejinta doonyahan ayaa waxaa ka hadlay ugu horeyn ka hadlayaay Cabdul Axad oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’ada TIKA oo wakikiil ka ahayd dowladda Tuirkiga.

Sarkaalkaan ka socday hay’adda Turkiga ah ee TIKA ayaa sheegey in doonyahaasi loogu talagalay ciidanka ilalada xeebaha Soomaaliya, si ula dagaallaamaan falalka burcad badeeddu ay ku qafaalanayaan mariibka isticmaala badweynta India.

Admiraal Faarax Axmed Cumar “Faarax Qare” oo ah taliayah ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in doonyahaani wax weyn u tari doonaan ciidamada badda Soomaaliya.

“Doonyahaan oo kale ayaan qabi jirnay oo ciidanka lagu qaadi jiray iyo hub culus, maanta doonyahaan wax weyn ayay nooyihiin maadaama aan xiligan haysanin doonyo dheereeya oo aan kula dagaalami karno burcad badeedda” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa sheegey in ciidamada badda ay awood u yeelan doonaan difaaca xeebaha Soomaaliya maadaama ay heleen doonyo dheereeye, ayna ka hortagi karaan qataraha dhinaca ammaanka ah.

“Doonyahaan waxaa rajeyneynaa in lagu xiro qalab iyo hub casri ah si ay u adkeeyaan ilaalinta xeebaha dalka, waxaan ka rejeyneynaa in ay ku filnaan doonaan howsha loo igmaday ciidamada ilaalada xeebaha dalka” ayuu Abaanduulaha hadalkiisa raaciyay.

Wasiir kuxigeenka gaashandhigga ee Xukumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Carab ayaa uga mahad celiyeey dowlada Turkiga dowrka ay ka qadanayso qalabeynta ciidamada xoogda dalka.

“Waxaa farxad weyn ah in aan maanta la wareegno afar doonyood oo aan doonayno in aan hub saarano, si loogu xoojiyo ilaalinta xeebaha dalka, waxaana hubaa in tani ay wax weyn ka tari doonto ilaalinta iyo difaaca xeebaha Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Maxamed Carab.

Ciidamada badda Soomaaliya oo aan tiro badneyn ayaa horay u heystay dhowr doonyood oo loogu xiray qoryaha dhexdhexaadka, kuwaasoo laga gaday gudaha Soomaaliya.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %