Ciidamada Badda Puntland Oo Qabtay Rag Burcad Badeed Ah Iyo Qalbkii Ay Wateen

Read Time:56 Second

Boosaaso, Mareeg.com: Ciidamada badda maamulka Puntland ayaa xalay deegaanka Mareero oo ilaa 15-kiilo mitir dhanka waqooyi-bari kaga began magaalada Boosaaso ka qabtay koox burcad badeed ah iyo qalabkii ay wateen.

Taliyaha ciidamada badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay howlgalka lagu qabtay kooxdaan bucad badeedda ah.

Admiral C/risaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in ciidamadu ay ka war heleen koox toddoba nin ah oo isku uruursanaya deegaanka Mareero oo ah deegaan xeebta saaran oo horay dadka looga tahriibin jirey, kaddibna ay isu diyaariyeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Taliyaha ayaaa sheegay in howlgalka ciidamadu qaadeen lagu qabtay 3 kamid ah 7-dii nin iyo weliba qalabkii ay wateen oo isugu jirey doon nooca dheereeya ah, 3 qori oo nooca fudud ah, agabka jihooyinka iyo masaafada sheega ee GPS-ka iyo jaranjarooyin lagu fuulo maraakiibta.

Admiral C/risaaq Diiriye Faarax ayaa digniin u diray dhallinyarada ku howlan falalka burcad-badeednimada, isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan, wuxuuna u mahad celiyey dadka reer Puntland oo uu sheegay iney ciidamada soo wargeliyeen.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %