
Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen Magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ku soo qabteen Rag ka tirsan Al Shabaab oo xiligaas ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fulin rabeen.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaan la fuliyey 7-dii Bishaan oo ku beegneyd maalintii shalay aheyd.
“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan,Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada Argagixisada khatarta ku ah shacabka”ayaa lagu yiri warka kooban ee lasoo dhigay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socday Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.