Ciidamada amniga ee gobolka Bakool oo gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa oo dhulka lagu aasay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada amniga ee gobolka Bakool oo gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa oo dhulka lagu aasay

Ciidamada ammaanka gobalka Bakool ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo Qarxa oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku aaseen deegaanka Garasweyne, sida uu laga soo xigtay Maamulka degmada Xudur.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa sheegay in ay ka war heleen xog ku saabsan in waqti dambe oo xilli habeen ah miinooyin lagu rakibay dhowr qeyb oo kamid ah saldhigga magaalada, kuwaas oo la rabay in lagu waxyeeleeyo saraakiisha iyo ciidamada booliska gobalka.

Maxamed Macalin, Guddoomiyaha Xudur ayaa sheegay in ay qabteen saddex ka mid ah dadka la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi lagu aasay deegaanka, kuwa kalena ay ku daba jiraan, kuwaasi oo uu sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan, si cadaaladda loo horgeeyo.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa kadib markii ay ku jabeen dagaallada gobolka Bakool, waxa ay bilaabeen inay beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka r

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!