Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Ammanka Dhuusamareeb oo qabtay Nin Walaalkiis dilay

Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa Magaalada dhuusamareeb lagu diley Nin lagu Magacaabi jirey Raage Sakaad Caraal,kaas oo ka sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyey Nin ay  Walkaalo ahaayeen,hayeeshee la sheegay in gacanta lagu dhigey ninka dilka geystay.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Ninka dilka geystay oo lagu Magacaabo  Faa’id Salaad Caraale,kaas oo ku dhuumaaley sanayey Xaafada Waaberi ee uu dilka ka geystay.

Taliyaha Booliiska degmada Dhuusamareeb ahna Taliyaha Xasilinta Caasimada Gaashaanle C/llaahi Xassan Macallin ayaa sheegay inuu Xiran yahay Ninka dilka gaystay baaritaan ka dibna ay ka bixin doonaan Faahfaahin.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxaa sababay in Magacaabo  Faa’id Salaad Caraale uu si bareer ah u dilo Ninka ay Iwalaalaha ahaayeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!