Ciidamada Ammaanka oo soo qab qabtay Askar AMISOM ka tirsan oo Saadkooda Iibsanayay

Read Time:59 Second

Muqdisho ( Mareeg)-Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal gaar ah waxa ay ku qabteen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM  oo illaa 5 Askari gaarayay iyo 10 kale oo shacab ah.

 

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ku howlanaayeen iibsiga Saanado Milatari oo Ciidamo AMISOM ay leeyihiin.

 

Howlgalka lagu fashiliyay Kiiskaan ayaa waxa uu ka dhacay Garaash ku yaalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.

 

Ciidamada ayaa la sheegay in ay iibinayeen agab ay ku jiraan Jawaanada Difaaca, Telefoonno, Qalabka Rasaasta   lagu qabto , Shidaal badan iyo walxo kale .

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ay in muddo ah ugu raad joogeen Ciidamadaan iyo dadka kale ee lala qabtay.

 

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa waxaa isaguna uu hoosta ka xariiqay in Cadaaladda lala tiigsan doono Ciidamada falkaan lagu qabtay ee ka tirsan AMISOM.

 

Waxaa isaguna madasha ka hadlay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumat Maxamed oo  sheegay in kiiskaan aysan ka daba hari doonin illaa sharciga lala tiigsado kuwa ku lugta leh ee hadda loo soo qabtay sida uu yiri.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.