
Wararka ugu dambeeyay ee ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalada ammaanka magaalada ay degen tahay ayna la wareegeen ciidamada nabad ilaalinta AMISOM koontaroolka Kalabeyr iyo xarunta maamulka gobolka Hiiraan.Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa la wareegay ammaanka xarunta maamulka gobolka Hiiraan halka ciidamada Nabad ilaalinta ee ka socda dalka Itoobiya ay la wareegeen koontaroolka Kalabeyr oo ah goobtii shalay lagu diley taliyaha ciidamada Booliska gobolka Hiiraan Maxamed Mocow.
Deegaanada ay la wareegeen ciidamadan nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo daacad u ah Guddoomiyihi hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa inay gaaraan guddi uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.
Hase yeeshee waxaa weli diidan in uu wareejiyo xilka maamulka gobolka Hiiraan Guddoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar isagoo ku adkeysanaya in arrinta gobolka Hiiraan ay u taal shacabka ku nool gobolkaas.