Ciidamada Amisom oo kala dhexgelaya beelo ku dagaallamay Hiiraan

Mareeg.com: Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee Hiil Walaal, qeybna ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la go’aamiyey iney kala dhex galaan labo maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaallamay deegaan ka tirsan magaalada Baledywene ee gobolka Hiiraan.

Kulan ay maanta magaalada Beledweyne ku yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM ayaa la isku afgartay in ciidanka Midowga Afrika la geeyo deegaanka Deefow oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed.

Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne, Maxamed Cismaan Cabdi ayaa sheegay in ciidanka AMISOM loo geynayo deegaanka si looga hor tago in uu mar kale dagaal beeleed ka dhaco halkaas.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay ku dhowaad 20 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay Deefow oo ka billowday muran la xiriira dhul beereed.

Deegaanka Deefow wuxuu 39 km dhinaca waqooyi-galbeed uga beegan magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Mareeg Meida

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245