
Wararka laga helayo degmada mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ilaa xalay laga dareemay in Ciidamada AMISOM ka baxayaan degmadaas.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Mareeg.com u sheegay in Saldhiga Ciidamada Burundi ee Xerada saraha duugan siweyn looga dareemay diyaar garoow ku adan in Ciidamada ay ka baxayaan Saldhigaas.
Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmadaas ayaa sidoo kale waxaa ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama deegaano u dhow degmada mahadaay ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Mahaday ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin hadii Ciidamada AMISOM ka baxaan degmada Mahadaay.
Horraantii bishan ayuu Ergayga Ururka Midowga Afrika uqaabilsan Soomaaliya wuxuu sheegay in marka lagaaro bisha Febaraayo sanaddan kun askari AMISOM ah laga saari doono dalka qeybtiisa ugu horeysana ay ka baxayaan Shabeellaha Dhexe