Ciidamada AMISOM oo isaga baxay Janaale iyo Alshabaab oo la wareegtay Janaale * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada AMISOM oo isaga baxay Janaale iyo Alshabaab oo la wareegtay Janaale

September 18(Mareeg)—Wararka Ka imanaya deegaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamado ka tirsan AMISOM oo fariisin ku lahaa Janaale ay gelinkii dambe isaga baxeen.

Ciidamada AMISOM ayaa isaga baxay Janaale iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ay ka baxaan waxaana waqti yar kadib markii ay ka baxeen deegaanka Janaale soo gaaray ciidamo ka tirsan Alshabaab kuwaasoo saldhigii ay ka guureen ciidamada AMISOM degey.

Sidoo kale ciidamada Alshabaab ayaa fariisimo ka sameysteen gudaha magaalada Janaale waxayna goob fagaare ah kula hadleen shacabka magaalada iyagoo u sheegay in ay isdejiyaan oo aanay wax dhibaato ah la kulmi doonin.

Horaantii bishan September ayaa ciidamada AMISOM weerar kedis ah oo lagu soo qaaday kadib lagala wareegay, waxana ka soo gaaray ciidamada AMISOM ee saldhigga ku sugnaa qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shabakadaha taageera ururka Alshabaab ayaa xalay fiidnimadii waxa ay qoreen in deegaanka Janaale ay la wareegeen ciidamada Alshabaab. Xaalada deegaanka ayaa ah saaka mid degen inkastoo dadka ay aad u hadal hayaan waxa xigi kara maadaama deegaanka Janaale jihooyinkiisa oo dhan ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!