Ciidamada AMISOM oo dib ugu laabtay Janaale iyo xaalad kacsanaan ah oo ka jirta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada AMISOM oo dib ugu laabtay Janaale iyo xaalad kacsanaan ah oo ka jirta

eptember 1 (Mareeg.com)— Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo AMISOM ay gudaha u galeen deegaanka oo 115KM dhinaca Koofureed ka xigta magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo lugeynaya ayaa ka kala yimid dhinaca Shalanbood iyo Qoryooley, waxaana ay dageen saldhigii saaka lagu weeraray ee duleedka Janaale una dhowaa Wabiga jiinkiisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in madaafiicdii iyo hubkii la isku weydaarsaday dagaalkii saaka aanay waligood maqlin, waxaana la sheegay in Buundada Janaale ay qeyb ka duntay.

Al-Shabaab ayaa ka baxay saldhigii ay la wareegeen iyo deegaanka Janaale, waxaana xaalada deegaanka ay iminka tahay mid kacsan, ayna jiraan dad fara badan oo ka qaxay weerarkii saakay, kuwaasoo u cararay beeraha ku yaalla banaanka magaalada.

Weerarkii saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidan ee AMISOM ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo albaabka xerada lagu jebiyay, kadibna ciidamo aad u hubeysan ay gudaha xerada ku daateen, dabadeedna iska hor imaad culus uu bilowday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in in ka badan 50-askari oo ka tirsanaa ciidanka AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Uganda lagu dilay weerarkaas, waxaana weerarkan uu ku soo aaday sanad kadib markii la dilay Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane Abuu Zubeyr.

Dhinaca kale war lagu qoray barta Twitter-ka AMISOM ayaa lagu sheegay in aanay jirin saldhig lagala wareegay, isla markaana ciidamadooda ay ku sugan yihiin saldhigooda.

Waa weerarkii labaad noociisa oo Al-Shabaab ku qaado saldhig ciidan ay leeyihiin AMISOM, dhamaadkii bishii June, gaar ahaan bishii Ramadaan ayay aheyd markii Al-Shabaab weerareen saldhig Ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego, halkaasoo lixdameeyo askari lagu dilay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!