Ciidamada AMISOM Oo Bilaabay Howlgal Ka Dhan Ah Ururka Al Shabaab + Sawirro
Ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah u bilaabay howlgalo balaaran oo ay ku doonayan iney meesha kaga saaran Dagaalyahanada Al Shabaab.
Howlgaladan ayaa ka socda inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay VOA Somali iney arken Ciidamada badan oo AMISOM ah oo marayay jidka dheer ee isku xira labadasi degmo iyo agagaarka beeraha aseendooyinka ah.
War ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu yimid kadib markii ay AMISOM heshay xog sheegeysa in Ururka Al Shabaab ay doonayan iney qasaan wadada isku dheririsa Muqdisho iyo garoonka Belidogle,oo ay Mareykanka degan yihiin.
Dowlada Soomaaliya ayaa bishii hore shaacisay iney qaadeyso howlgalo lagu ciribtirayo Dagaalyahanada Al Shabaab kadib qaraxii 14kii Octoober ee lagu dilay ku dhawaad 500.
Comments are closed.