Ciidamada AMISOM Iyo Al Shabaab Oo Madaafiic Isku Weydaarsaday Gudaha Magaalada Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada AMISOM Iyo Al Shabaab Oo Madaafiic Isku Weydaarsaday Gudaha Magaalada Baledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Al Shabaab ay  Madaafiic isku weydaarsadeeen Gudaha Magaaladaas.

Madaafiicda ay is weydaarsadeen Ciidamada AMISOM iyo Al Shabaab ayaa ku dhaceysay Xaafada HowlWadaag ee galbeedka Magaalada Baledweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hada waxaan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay weerarka Madaafiicda ah ee dhexmaray Ururka Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in waxyeelo ka soo gaartay Madaafiicdaasi dad Rayid oo halkaasi ka Agdhawaa.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!