Ciidamada AMISOM iyo Al Shabaab oo dagaal culus dhex maray — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada AMISOM iyo Al Shabaab oo dagaal culus dhex maray

Wararka ka imaanayo Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Buula-mareer ee gobolkaas ayaa waxa ay ku waramayan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada AMISOM iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Dagaalka Degmada Buula-mareer ka dhacay ee u dhexeeyay AMISOM iyo Al Shabaab ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii gaadiid Ciidamada AMISOM ee ku sugan Buula-mareer sahay u siday ay wadada u galeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab,isla markaana halkaasi uu ka bilowday dagaal Culus oo toos ah.

Dadka deegaanka Degmada Buula-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka uu ku sii fiday deegaano hor leh oo hoostaga Degmada Buula-mareer.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhexmaray Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo dagaalyahanada Al Shabaab.

Dhinaca Kale Al Shabaab war ay ku qoreen barahooda internet-ka ayey ku sheegeen in dagaalkii ay la galeen AMISOM ay ku gubeen mid kamid ah gaadiidkii sahayda u siday Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!