Ciidamada AMISOM ee Kenya oo lagu eedeeyay inay canshuuraan dhuxusha iyo sokorta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada AMISOM ee Kenya oo lagu eedeeyay inay canshuuraan dhuxusha iyo sokorta

Kooxda cadaadiska dalka Kenya oo fadhigoodu yahay Kenya ayaa soo saartay warbixin sheegeysa inay hayso cadeymo la xiriira ku lug lahaanshaha ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya jooga ganacsiga sharci darada ah ee Sokorta iyo Dhuxusha dalka Soomaaliya.

 

Warbixin ay qoreen (kooxda suxufiyiinta cadaalada) la magac baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM in sanad walba ka soo gasho lacag gaareysa $50m (£33m) canshuur ay ka qaadaan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya iyo sokorta laga soo dejiyo dekeda Kismaayo.

 

Waxana ay taasi u suurtogelisaa in ururka Alshabab lacag soo gasho maadaama ay iyagana ay canshuuraan dhuxusha iyo sokorta soo galaysa ama ka baxaysa deegaanada ay maamulaan.

 

Warbixinta ayaa ku qiyaastay in 230 gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada ay toddobaad walba ka baxaan dekeda Kismaayo iyagoo sida Sokor taasoo si qarsoodi ah loo geliyo dalka Kenya iyadoo wadooyinka laga gelinayana ay og yihiin saraakiil Kenyan ah.

 

Warbixinta ay kooxdan soo saartay ayaa sidoo kale waxaa ay ku faahfaahisay duqeyn ay diyaaradaha milatariga Kenya duqeeyeen deegaanoka mid ah dhulka ay Alshabaab maamusho, waxana warbixinta lagu sheegay in duqeyntaas lagu burburiyay tuulooyin ay dad rayid ah degenaayeen,ceelal isla markaana ay ku dhinteen xoolo nool.

 

Kooxdan ayaa ku eedeysay dowlada Kenya inay ku xadgudubtay awoodihii la siiyay ee Midowga Afrika taasoo ahayd in ay hubka ka dhigaan kooxaha hubeysan ayna baabi’iyaan ilaha ay dhaqaalaha ka heli karan argagaxisada.

 

Milatariga Kenya ayaa beeniyay eedeymah, waxana uu sheegeen inaysan jirin in ay wax lug ah ku yeeshaan qaab ay lacag ku heli karaan Alshabaab.

 

Eedeymahan cusub ayaa waxa uu cirka ku sii shareerayaa dooda ah joogista ciidamada Kenya ee dalka Soomaliya iyadoo shalay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo hore ugu kala qeybsanaan jirey doodaha ay yeelanayaan balse shalay markii ugu horeysay ay isku meel ka soo wada jeesteen oo ku tilmaameen dowlada Kenya inay ku xadgudbeyso dalka Soomaaliya.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!