Ciidamada Amaanka oo saaka baaritaan kula kalaxay xaafado ka tirsan Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka baaritaan kula kalaxay xaafdo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xaafadaha ciidamadu baarayaan ee laga xiray dhaqdhaqaaqa ayaa waxaa ka mid ah xaafadda Siligga Mareykanka iyo Nasteexo.

Ciidamada oo wata gawaarida dagaalka ayaa xiray qaar ka mid ah wadooyinka, waxaana saaka shaqada aadi waayey qaar ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadahaas, iyadoo sidoo kalana ardaydu u bixi waayeen Iskuullada iyo Jaamacadaha.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in howl galka uu qeyb ka yahay kuwo horay looga sameeyay degmooyika Gobolka Banaadir, ujeedkiisa uu yahay sugida amniga, inkastoo ay ka gaabsadeen inay wax faah faahin ka bixiyaan.

Ciidmada Amaanka ayaa mararka qaar howlgallo baaritaan ah kula dheelmada xaafadaha Muqdisho, iyadoo arrimahaas aysan waxba ka badelin amaanka caasimadda.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245