Ciidamada Amaanka oo saaka baaritaan kula kalaxay degmooyinka qadiimiga ah ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Amaanka oo saaka baaritaan kula kalaxay degmooyinka qadiimiga ah ee Muqdisho

Mareeg.com: Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa saaka baaritaan xoog leh ka wada xaafado ka mid ah degmooyinka qadiimiga ah ee Xamarweyne, Shangaani iyo Xamar Jajab.

Baaritaanka ciidamadu wadaan waxaa saacidaya ciidamada AMISOM oo wata doonyo, kuwaasoo dhanka badda ka ilaalinaya degmooyinkaas.

Waxaa gebi ahaanba la mamnuucay gaadiidka, waxaana xitaa dadka lugta ah ku adag iney socdaan, iyadoo ciidamadu qabqabteen Mootooyinka Bajaajka loo yaqaano oo aad u fara badan.

Lama oga ilaa hadda halka bartilmaameedku yahay iyo sababta baaritaankaas, kaasoo maanta dad badan ka xayiray shaqooyinka ay u dheelman jireen.

Shalay ayay aheyd markii degmada Xamar Jajab lagu dilay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, C/llaahi Qayaad Barre.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!