Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Nin hubeesan oo xirnaa Dharka Dumarka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Nin hubeesan oo xirnaa Dharka Dumarka

Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen dad lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen falal amaan daro oo maalmahan ka dhacayay magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada amaanka dadka ay howlgalada ku qabteen uu ku jiro nin hubeesan oo xirnaa dharka dumarka ee xijaab iyo Indha Shareer.

 

”Ciidamada amaanka waxa ay qabteen Nin bistoolad ku hubeesnaa oo xirnaa dharka dumarka sida Indho Shareer iyo xijaab, ninkan laamaha amaanka ayaa hada gacanta ku haya , waxaana ku socda baaris” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka.

 

Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sheegay in ay soconayaan howlgalada ay wadaan Ciidamada amaanka , waxa uuna tilmaamay in hada la hayo dad badan oo lagu tuhmayo falalka amaan daro kuwa kalana ay ku daba jiraan.

 

Hadalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili maalmihii lasoo dhaafay magalaada Muqdisho ka dhacayeen falal amaanka lidi ku ah oo lagu beegsnayay saraakiil katirsan Nabad Sugida Qaranka iyo dad kale ay ku jiraan Ajaaniib.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.