Ciidamada Amaanka K/galbeed Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Ragii Ka Dambeeyay Dilkii Sheekh Maxamed Deyr * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada Amaanka K/galbeed Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Ragii Ka Dambeeyay Dilkii Sheekh Maxamed Deyr

Ciidamada Amaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay Magaalada Baydhabo waxaa ayna gacanta ku dhigeen Saddex nin oo loo heesto in ay ka dambeeyeen dil habeen hore ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Ragaan Hubeysan ayaa Masaajid ku yaala Xaafadda Towfiiq waxaa ay ku dhex dileen marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna durbadii ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in warbixino ay ka haleen shacabka Magaalada Baydhabo ay ugu suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan nin kamid ahaa Saddexda nin ee dilka geystay, waxaana intaasi ka dib ninkaasi oo Ciidamada u farmuuqay halka ay joogaan labada kale iyadoona lagu guuleystay in lasoo qabto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!