Ciidamada Amaanka Ee Puntland Oo Howlgalo ka sameeyay Magaalada Boosaaso

Boosaaso ( Mareeg News ) Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa Xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeesheen Xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada maamulkaasi oo la hadlay Warbaaahinta ayaa sheegay in howlgalladu ay ahaaayen kuwa lagu xaqiijinayay amniga magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Balse ma aysan faah faahin natiijada rasmiga baaritaanada Xalay ay ka sameeyeen magaaladaasi.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay magaaladaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Puntland, kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Shiine, waxaana dilka masuuliyadda sheegtay Xarakada Al Shabaab.