Caruur ku dhimatay qarax ka dhacay degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Caruur ku dhimatay qarax ka dhacay degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan

Mareeg.com: Labo qof oo carruur ah ayaa ku dhimatay mid kalena wuu ku dhaawacmay deegaanka Bardaha oo hoos-taga degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan kaddib markii ay ku qaraxday miino ay ku ciyaarayeen.

Duqa degmada Buulo-burte Cusmaan Geeddi Cilmi ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray carruurta, isagoo xusay inuu culus yahay dhaawaca soo gaaray wiilka.

Cusmaan ayaa sheegay in wiilka dhaawacmay lagu daweynayo xarun caafimaad oo ku taalla degmada, balse wuxuu sheegay inaysan xaruntu waxba ka qabin karin xaaladdiisa.

Qaraxyada nuucaan ah ayaa inta badan ka dhasha haraadiga dagaallada oo carrurrtu isaga ciyaaraan iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!