Muqdisho, Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya dhawaan waxey sii deysay mashruuc la magic baxay “Aada Dugsiyada” oo muddo 3 sano gudahood ah waxbarashada lagu gaarisoonayo ilaa 1 Milayn oo caruur ah.
Inkastoo ay sidaas tahay, haddana boqolaal kun oo carruur Soomaaliyeed ah ayaan weli heysan waxbarasho, iyadoo ay u dheertahay saboolnimo baahsan.
Mashruuca “Aada Dugsiyada” ilaa hadda ma samneyn saameyn muuqata, sababa jira aawgood, waa midda horee dowladda Soomaaliya oo aan weli gacanta ku heyn deegaano ay ku noolyihiin caruur badan oo waxbarasho u baahan.
Sababta labaad ayaa ah in dowladda Soomaaliya aysan welo dhab ah u hirgelin mashruuc “Aada Dugsiyada” inkastoo Iskuullo kooban oo Muqdisho ku yaalla laga bilaabay waxbarashada “Aada Dugsiyada”.
Mid ka mid ah macallimiin dowladda Soomaaliya u qaadatay mashruuca “Aada Dugsiyada” ayaa u sheegay Mareeg Media ineysan weli bilaabin wax shaqo ah, islamarkaana aysan ogeyn goorta ay shaqo geli doonaan inkastoo labo bilood ka badan laga soo wareegay xilligii shaqada loo qoray.
Deegaanada carruurta ugu badan Soomaaliya ku waxbarasho la’yihiin ayaa waxaa ka mid ah gobollada Baay, Bakool, Galgaduud, Jubada Dhexe, Mududg, labada Shabeelle iyo Jubada Hooose.
Magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin carrurta ugu badan ee Soomaaliya waxbarta ayaa hadana tirada wax barata aad uga yartahay tirada aan wax baran, waxaana dowladdu Iskuulo badan oo ay laheyd ku wareejisay Mu’sasaad si gaar ah loo leeyahay oo si KMG ah loo siiyey.
Dhibaatada waxbarasho la’aanta ayaa xoogeedu ka jiraa deegaanada Miyiga ah, dhulkaas oo aan dowladdu awood u laheyn iney gaarsiiso adeeg waxbarasho.
Caruurta ugu badan oo aan haysanin waxbarashada ayaa la sheegay inay ku nool yihiin gobollada Bay iyo Bakool gaar ahaan deegaannada miyiga ah.
Sawirroo dhawaan lasoo qaaday ayaa muujinaya boqolaal carruur ah oo ku nool Baay iyo Bakool, kuwaasoo aan heysan wax waxbarasho ah, islamarkaana iska ciyaara halkii ay wax bara lahaayeen.
Deeganaada sawirrada laga soo qaaday waxaa ka mid ah: Goof-Gaduud Shabeelow oo ka kooban 12 tuulo oo kala ah: Goorisane, Manaas, Buulo-Barako, Hagarka, Aliyow Mareer, Tigow, Robey-Gaduud, Buurey, Mannaas, Baanow, Abees-garwaale, Abees-Eemed, Goof-yarow, Gooyaale, Gelda, Kaayow, Goof-Gaduud Buureey, Haween, Saddex Wakaabood, Lafaale iyo kuwo kale.
Mareeg.com